Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Labada Suudaan oo Heshii Cusub Gaaray


Dalalka Suudan iyo Suudanta Koonfureed ayaa ku heshiiyay in dib loo bilaabo dhoofinta saliidda, iyagoo muddo 2 toddobaad u qabtay qorshe dib loogu furayo saliid laga dirayo S/Koonfureed oo la sii marinayo dhuumo dhexmaraya Sudan.

Labadan dal ayaa waxaa curyaamiyay oo dhaawacay kharash la'aan ka dhalatay dhoofintii saliidda oo istaagtay kadib markii muran labada dhinac dhexmaray uu horseeday in Suudaanta Koonfureed ay xirto wax-soo-saarkii saliidda muddo kabadan hal sano.

Wadaxaajoodayaal ka socda labada dhinac ayaa saxiixay heshiish cusub oo uu dhex-dhexaadiyay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Thabo Mbeki.

Dhowr heshiis oo hore, oo uu ku jiro mid ay labada dhinac gaareen bishii January ayaa guul-dareystay inuu dhaqan galo oo dib u bilaabo dhoofinta saliidda.

Heshiiska cusub ayaa imanaya iyadoo ay jirto talaabooyin kale oo labada dal ay ku doonayaan inay ku xaliyaan arrimaha wali ka harsan madaxbannaanidii Suudaanta Koonfureed 2011.

Labada dhinac ayaa balanqaaday inay ciidamadooda kala baxaan xuduudka ay wadaagaan dadaal ay ku doonayaan inay ku abuuraan goob militariga ka caagan, iyadoo Suudaanta Koonfureed ay Isniintii sheegtay inay amartay ciidamadeeda inay ka soo baxaan goobtaasi.
XS
SM
MD
LG