Dowladda Federaalka Somalia iyo maamul-goboleedka Puntland ayaa Garowe ku gaaray heshiis cusub oo ay labada dhinac ku xoojinayaan iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa.
Qodobada labada dhinac ku heshiiyeen waxaa ku jira in si wadajir ah loo taageero qaadista cunaqateynta hubka ee Somalia ay ka qaaday QM taasoo ay Puntland hore u diidanayd, sidoo kale waxay ku heshiiyeen in iskaashi dhow ay ka yeeshaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo sameynta maamul-goboleedyada.
Sidoo kale dowladda iyo maamulka Puntland waxay ku heshiiyeen in hanaanka canshuurada la midooyo sidoo kalena ay ka wada shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada dhinaca yaraanshaha shilinka Soomaaliga.
Heshiiskan ayaa meesha ka saaraya mad-madow ku dhexjiray labada dhinac.
Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdooon Saacid ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay safar ku joogay magaalada Garoowe.