Isku xirrada

War Deg-Deg ah

"Waa Go'aankaaga" Dhalinyarada iyo Fanka W8


Waayaha cusub fanka iyo suugaanta
Waayaha cusub fanka iyo suugaanta
Barnaamijka "Waa G'oaankaaga" ee toddobaadkan wuxuu ku saabsan yahay dhalinyarada iyo fanka iyo suugaanta iyo doorka fanku ka qaadan karo isku-keenidda dhalinyarada.

Tan iyo markii ay dagaalladu dhaceen, waxaa hoos u dhac ku yimid fankii Soomaaliya, gaar ahaan, heesihii.

Lixdii sanno ee la soo dhaafay, kooxihii islaamiyiinta ee maamullayay gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya waxaa laga mamnuucay heesihii iyo qeybihii kale duwanaa ee suugaanta, taasoo niyad jab ku reebtay dhalin badan oo fanka jecel, balse xilliyadan danbe waxaa soo bidhaamaya fankii iyo heesihii kadib markii Islamaiyiintu laga saaray meelo badan.

Haddaba barnaamijka "waa Go'aankaaga" ee toddobaadkan waxaan uga hadlaynaa fanka iyo dhalinyarada.

Waxaa qeybta danbe ee barnaamijka ka qeybgalay Shiine Akhyaar, madaxa kooxda fanka ee Waayaha Cusub oo ka jawaabaya su'aallaha dhalinyarada.

please wait

No media source currently available

0:00 0:55:55 0:00
XS
SM
MD
LG