Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama oo Xilka loo Dhaariyay


Barack Xuseen Obama ayaa maanta mar labaad loo dhaariyay xilka madaxtinimada Maraykanka. Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa madaxweynaha ku dhaariyay xaflad gaar ah oo ka dhacday aqalka cad ee magaaladan Washington. Joe Biden, madaxweyne kuxigeenka ayaa isna maanta xilka waxaa u dhaariysay Sotomayor oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare.
Dhaarinta Joe Biden
Dhaarinta Joe Biden
​Dastuurka Marayaknka ayaa qeexaya in 20-ka Janaayo madaxweynuhu uu xilka la wareego, iyadoo madaxweynaha lagu dhaariyo xafladda caleemasaarka ee ay dadka badan ka soo qeybgalaan, balse 20-ka bishan ayaa ku soo beegantay maalin Maraykanka fasax laga yahay oo Axad ah, sidaasi darteed ayaa waxaa maalinta berri ah mar labaad la dhaarin doonaa madaxweyne Obama iyadoo lagu hor-dhaarin doono xafladda caleemasaarka oo ay ka soo qeybgalayaan kumannaan kun oo qof.

Madaxweyne Obama ayaa mar labaad xilka madaxtinimada loogu doortay doorashadii dhacday 6-dii November ee 2012.
XS
SM
MD
LG