Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hillary Clinton oo Isbitaalka ka Laga Saaray


Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa laga bixiyey Isbitaalka magaalaa New York, halkaasoo maalmo lagu daweynayey ka dib markii dhiigga madaxeedu uu xinjiroobay

Clinton ayaa habeenimadii xalay ka baxday isbitaalka iyadoo ay la socdeen seygeeda madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton iyo gabadhooda Chelsea.

Warbixin rasmi ah ayaa sheegtay in Clinton dhaqaatiirteedu ay u sheegeen in caafimaadkeedu dhinac kasta ka soo hagaagayo. Dhaqaatiirta ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin inay si buuxda uu caafimaadi doonto

Goor hore oo shalay ahayd ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa laga soo xigtay in Clinton ay telefoonka kula hadashay shaqaalaheeda Washington oo ka sii shaqeynayey siyaasadda arrimaha dibadda intii ay xanuunsaneysay. Warbixinta rasmiga ah ma aysan sheegin waqtiga ay Clinton ku soo laabaneyso shaqadeeda Washington.
XS
SM
MD
LG