Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Mucaraadka oo Diiday inay la Xaajoodaan Mursi


Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa maanta oo Sabti ah ugu baaqay mucaaradka waxa uu ugu yeeray wadahadal dhameystiran, iyadoo qalalaasaha siyaasadeed ee ka socda wadankana uu galay todobaadkii sedexaad

Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa sheegay in aaney xiwadaxaajood la furi doonin Mr. Mursi ilaa iyo inta uu ka laabanayo wareegtadii muranka dhalisay, uuna ka joojinayo aftida loo qaadayo dastuuska qabya qoraalka ah.

Jimcihii shalay ayaa dib loo dhigay in la bilaabo codbixinta qurbajoogta Masar ee dastuurka qabya qoraalka. Dadka ka faalooda siyaasadda Masar ayaa sheegay in talaabada madaxweynuhu ay muujinayso in laga yaabo inuu damacsan yahay inuu si dhab ah ula xaajoodo qolyaha mucaaradka

Magaalada Qaahira ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa gilgilay banaanbaxyo iska soo horjeeda oo u dhaxeeya mucaaradka iyo taageerayaasha madaxweynaha, banaanbaxyadan ayaa yimid ka dib markii uu Mr. Mursi soo saaray waregtadii uu awoodaha badan kula wareegay iyo qorshaha codbixinta dastuurka qabyo qoraalka ah oo lagu wado in afti loo qaado bishan December 15keeda.
XS
SM
MD
LG