Iyadoo tirinta codadka doorashadii deegaanka ee shalay ay Somaliland ka bilaabatay ayaa maanta waxaa shir jaraaid qabtay goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee doorashada.
Xubnahan ayaa guud ahaan ammaanay sidii ay doorashadu u dhacday, hase yeeshee sheegay inay jiraan goobo uu isdaba maris ka dhacay. Waxyaabaha ay tilmaameen waxa ka mid ah in goobaha qaar lagu arkay baabuur dad guraya oo geynaya goobaha codbixinta, hase yeshee waxay sheegeen in aanay garaneynin xisbiga ama xisbiyada baabuurtan adeegsanayey.
Waxa kale oo ay sheegeen in khadka farta la mariyo ee lagu muujiyo in qofku codeeyey uu khafiif ahaa, qofkuna uu awood u lahaa inuu iska masaxo, taasina ay keeni kartay in qofku mar wax ka badan uu codeeyo.
Dhinaca kale, sida aan wararkii shalayba ku sheegnay waxa jiray deegaano ayna doorashadu ka dhacin oo cabsi amni darteed looga baaqsaday. Magaalada Xuddun oo u dhow Laascaanood ayaa iyadana shaqaaqo laga soo sheegay.
Warbixinta oo dhameystiran hoosta ka dhageyso.