Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Duufaanta Sandy waa Mid Xooggan


Madaxweynaha Maryakanka, Barack Obama ayaa sheegay in duufaanta Sandy ee ku dhufatay bariga Maraykanku ay xooggan tahay isla markaana ay saameynayso malaayiin dad ah.

Mr. Obama ayaa sheegay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay waxkaqabashada khasaaraha la filayo inay geysato duufaanta Sandy.

Duufaanta ayaa soo gaartay NY, New Jersey, Maryland, iyo Virginia. Magaalooyinka waaweyn, sida New York, Washington ayaa dhammaan la xiray adeegyada bulshada, basaska, tareennada, meelaha qaarkood waxaa dadka la amray inay ka baxaan. Shirkaddaha diyaardaha ayaa joojiyay kumannaan duulimaadyo ah ee garoomada diyaardaha bariga Maraykanka.

Daadadka badan oo duufaantu wadato ayaa gaaray bartamaha New York, Atlantic City, sidoo kale kumannaan dad ah ayaa koronto la'aan ay haysaa.

Dhammaan hay'addaha gurmad ee dowladda dhexe iyo gobollada ayaa wada gurmad badan si ay gacan uga geystaan khasaaraha ay dhalinayso duufaantan

Dhinaca kale, duufaantan waxay saameyn ku yeellatay doorashada Maraykanka iyo ololaha socda. Madaxweyne Barack Obama ayaa joojiyay isu-soobax ololaha doorashada oo maanta oo Isniin ah ka dhici lahayd gobollada Virginia iyo Florida si uu diirada u saaro duufaanta iyo gurmadka dowladda dhexe

Mr. Obama wuxuu kaloo joojiyay isu-soobaxyo barrio oo Talaado ah uu ku qaban lahaa gobollada Colorado iyo Wisconsin.

Musharrax Mitt Romney isna wuxuu baddalay qorshaha ololihiisa, wuxuuuna joojiyay kulan uu ka soo muuqan lahaa gobolka Virgnia, balse wuxuu ka qeybgalayaa kulamo ka dhacaya Wisconsin iyo labada gobo lee sida weyn loogu tartamayo Ohio and Iowa

Gobolka Maryland iyo degmada Washington DC, waxaa la joojiyay coddeynta goorta hore la sii coddeeyo sababo ay ugu wacan tahay duufaanta Sandy.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:36 0:00
XS
SM
MD
LG