Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaanta Sandy oo sii Xoogeysatay


Duufaanta Sandy ayaa sii xoogaysatay maanta oo Sabti ah iyadoo ku soo wajahan xeebaha bari ee dalkan Maraykanka.

Xarunta la socodka duufaannada ayaa sheegtay in Sandy ay tahay dabeyl aad u wayn oo leh awooddii duufaanta taasoo ku fidsan ilaa 160 km.

Duufaanta Sandy ayaa la filayaa inay saameyn balaadhan ku yeelato maalyiin dad ah oo ku teedsan xeebta bari ee Maraykanka, laga soo bilaabo Florida ilaa New England.

Duufaantan ayaa ugu yaraan 43 qof ku dhisay intii ay soo maraysay jaziiradaha Carribean-ka.

Washington DC, iyo gobollada New York, Maryland, Virginia iyo North Carolina ayaa waxa ay ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah , shirkadaha korontada yaaa u sheegey macaamiishooda in ay u diyaargaroobaan koronta la,aan muddoo jiri karta, sidoo kale saraakiisha maamulka ayaa kula taliyey dadka goboladaas ku nool in keydsadaan biyaha la cabo, cuntada qasacadaha ku jirta iyo waliba baytariyada.
XS
SM
MD
LG