Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doodda Dhexmaraysa Obama iyo Romney


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo ninka ay tartamayaan ee Mitt Romney ayaa caawa la filayaa inay dood ku dhexmarto magaalada Denver ee Colorado.

Jaamacadda Denver ee gobolka Colorado waxaa caawa ka dhacaysa dood dhexmaraysa madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo ninka ay tartamayaan ee Mitt Romney ee ka socda xisbiga Jamhuuriga.

Dooddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee saddex dooddood oo labadan musharrax dhexmari doonta

Doorashada madaxtinimada Maraykanka ayaa waxaa ka dhiman 5 toddobaad, waxayna dooddan caawa ku soo beegmaysaa iyadoo madaxweyne Obama uuu wax yar ku horreeyo cod-uruurin laga sameeyey dadka aan wali go'aanka ka gaadhin qofka ay u coddeyn doonaan.

Obama iyo Romney ayaa la filayaa inay doodda caawa ku soo bandhigaan barnaamijyada ku aadan arrimaha gudaha ee Maraykanka sida dhaqaalaha iyo barnaamijyada caafimaadka.

Qeybta hoose ka dhageyso C/raxmaan Yabarow oo ka tirsan VOA oo falanqeynaya doodda caawa.
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:45 0:00



please wait

No media source currently available

0:00 0:07:45 0:00
XS
SM
MD
LG