Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin: Qaraxyadii Madaxweynaha Lagu Weeraray


Saddex qof oo isa soo miidaamisay ayaa la sheegay inay isku dayeen inay gudaha u galaan hotel uu Magaalada Muqdisho ka deggenyahay madaxweynaha cusub ee Somalia, Xassan Sheikh Maxamud.

Mid ka mid ah raggii weerarka geystay ayaa isku dayay inuu gudaha u galo hotelka, waxaana toogtay ciidmada ilaalada hotelka iyo kuwa dowladda ee halkaa ku sugnaa.

Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha cusub ee Somalia Xassan Sheekh Maxamud, wasiirka arimaha dibadda ee Kenya Sam Ongeri, Ra’isul wasaarahii Somalia Cabdiwali Maxamed Cali, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka socday beesha calamka ayaa hotelka ku kulansanaa.

Ra'isul Wasaaraha shaqada wareejinaya ee Somalia Cabdiwali Maxamed Cali oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ku sugnaa ayaa VOAda u sheegay in ugu yaraan sideed qof ay ku dhinteen weerarka.

Afhayeenka Ciidmada nabad ilaalinta midowga Africa ee Amisom Cali Xaamud ayaa VOAda u sheegay in qaraxyadaasi lala maaganaa masuuliyiintii hotelka ku sugnaa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:20:07 0:00

Waxuu sheegay in qarax uu ka dhacay banaanka hotelka, ka dib markii nin isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay meel gawaari ay tiilay.

Waxaa kaloo uu sheegay in nin kale oo hubeysnaa uu isku dayay inuu gudaha u galo dhismaha Hotelka oo ay toogteen ciidamada.

Waxuu sheegay in mid ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa uu ku dhintay weerarka, sadex kalena ay kaga dhaawacmeen.

Waxuu sheegay in qof kale oo uusan xaqiijin inuu rayid ahaa iyo inuu ciidamada ka tirsanaa uu isna goobta ku dhintay.

Cali Xaamud waxuu xaqiijiyay in madaxweynaha Somalia iyo masuuliyiintii kale ay bad qabaan oo amaanka hotelkana ay la wareegeen guud ahaan ciidmada Midowga Africa ee nabad ilaalinta.

Wariyaha VOAda Seynab Abukar Maxamed oo ka mid aheyd wariyeyaal ku sugnaa hotelka xilliga uu weerarka dhacayay ayaa sheegtay in madaxweynaha uu qudbad jeedinayay isla markaana uusan muujin wax argagax ah.

Waxey sheegtay in waxa dhacayay uu ku tilmaamay mid qeyb ka ah xaaladda Somalia, balse uu rajeynayo in horumarka socda uu ugu dambeyntii baabin doono amni xumida.

Qaraxyadan ayaa muujinaya caqabadaha waaweyn ee dhinaca amaanka ah ee horyaala madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxmuud.

kooxda al-shabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, waxeyna kooxda horey sidan oo kale u fulisay weeraro lala beegsaday masuuliyiinta dowladda Somalia, xaflad qalinjebin, Tiyaatarkii Qaranka, hotel Muna iyo arday imtixaan u galeysay deeq waxbarasho.

Waxaa kaloo al-shabab ay horey weerar ugu dishay wasiiro ka tirsanaa dowladda TFGda.
18kii bishii Sebtember ee sanadii 2006dii waxaa isku day dil ah magaalada Baydhaba uga badbaaday madaxweynihii hore Allaha u naxariistee Cabdullahi Yuusuf Axmed.

3dii December 2009, weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xaflad qalin jebin arday jaamacadeed magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay 25 qof oo ay ka mid ahaayeen afar wasiir, laba dhaqtar iyo sadex wariye.

18kii June 2009kii waxaa weerar ismiidaamin ah lagu dilay magaalada Beledweyne wasiirkii amniga Qaranka, Cumar Xaashi Aaden.

10kii June 2011, waxaa gabar uu adeer u ahaa ay isku qarxisay wasiirkii arimaha gudaha Cabdishakuur Sheekh Xassan Farax.
XS
SM
MD
LG