Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaramada Midoobay oo Canbaaraysay Dilkii Marshaale


Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii loo geystay majaajiliistihii caanka ahaa Cabdi Jaylaani Malaaq oo ku magacdheeraa Marshaale, caanna ku ahaa inuu hadlao kaftan ah ku duro kooxda alshabaab.
Augustine Mahiga ayaa kul tilmaamay dilka Marshaale waxaan gabi ahaanba la aqbali Karin, waxa uuna ugu baaqay masuuliyiinta Soomaaliya inay sameeyaan talaabo kasta oo suurogalinaysa in la sameeyo baritaan buuxa oo madax banaan.
Kooxda Xuquuqda Aadanaha u Dooda ee Amnesty International, ayaa iyaduna sheegtay in ay tahay wax laga argagaxo geeri kale oo ku timid qof warbaahinta soomaalida aad uga dhex muuqday. Hay’adda ayaa intaa ku dartay in Marshale uu ahaa qofkii sideedaad ee xubin ka ah warbaahinta oo lagu dilo Soomaaliya ilaa iyo bishii December ee sanadkii tagay.
XS
SM
MD
LG