Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Aqbalay 10,000 oo Siiriyaan ah


Madaxweyne Obama
Madaxweyne Obama

Dowladda Mareykanka, ayaa illaa iyo hadda dalkeeda keentay 1,500 oo qaxooti Siiriyaan ah, tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee dalkaas afar sano ka hor.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aqbali doonto 10,000 oo qaxooti Siiriyaan ah sanadka soo socda, islamarkaana ay kodhin doonto kaalmada bani aadannimo ee la siiyo dadka kasoo cararaya rabshadaha dalka Syria.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo qaar ka mid ah sharci dejiyayaasha Mareykanka ay maamulka madaxweyne Obama ku cadaadinayaan inuu sammeeyo daaallo dheeri ah, oo wax looga qabanayo shaqaaqooyinka qaxootiga Syria.

Dowladda Mareykanka, ayaa illaa iyo hadda dalkeeda keentay 1,500 oo qaxooti Siiriyaan ah, tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee dalkaas afar sano ka hor.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Obama uu ogolaaday in soo gelitaanka qaxootigaas ee Mareykanka la billaabo bisha soo socota.

“Madaxweynaha waxa uu kooxdiisa ku jiheeyey inay ka fakaraan sidii sare loogu qaadi lahaa jawaabta uu Mareykanka ka bixinayo arrintan. Hal mid oo tan lagu billaabi karana waxa ay tahay in qaxooti dheri ah oo Syrian ah la keeno dalkan” ayuu yiri afhayeenka aqalka cad Josh Earnest.

XS
SM
MD
LG