Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: ISIS Cidna Kama Qoran Puntland


Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa beeniyay in dhalinyaro laga tahriibiayay Puntland oo la geeyay Yemen kadibna gacnta loo galiyay kooxda Daacish.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa beeniyay in dhalinyaro laga tahriibiayay Puntland oo la geeyay Yemen kadibna gacnta loo galiyay kooxda Daacish.

VOA-da ayaa shalay baahisay wareysiga qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyaro kale oo saarnaa doon u socotay dalka Yemen oo badda ku xanniban, kuwaas oo walaac ka muujiyay in dhalinyaradaasi loo wado Daacish si ay ugu qayb qaataan falalka argagxiso ee kooxdaasi.

Si kastaba, wasiirka waxa uu sheegay in Puntland aysan ka suurta galin in deegaanadeeda laga tahriibiyo dhallinyaradeeda ama dhallinyarada Soomaaliyeed loona gudbiyo si ay uga mid noqdaan kooxda Daacish.

Waxa uu qiray inuu jiray tuhun ku saabsan in dad la doonayey in laga tahriibiyo xeebaha Puntland, balse aanay taas wax xiriir ah la lahayn Daacish oo Tahriib caadi ah uu ahaa, islamarkaana ay ciidamada amniga ka hortageen.

Waxa wareystay Xuseen Barre Aadan ee Hoos ka dhageyso:

Wareysi: Wasiirka Warfaafinta Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:47 0:00

XS
SM
MD
LG