Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano Hakiyey Mooshinka Xasan


Xildhibaannadan oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay inay aqbaleen soo jeedintii guddoomiye Jawaari ee ahayd in wada-hadal lagu xalliyo arrinta mooshinka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay galab ka hadlay go’aankii shir guddoonka golaha baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddanaa xal u helidda mooshinnadii iska soo horjeeday.

Xildhibaannada, ayaa sheegay inay aqbaleen soo jeedintii guddoomiye Jawaari ee ahayd in wada-hadal lagu xalliyo arrinta mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, sidaas darteedna ay dib uga laabteen mooshinka.

Waxa ay xildhibaannadan sheegeen in aragtidan ay sidoo kale la qabaan dhammaan 93-kii xildhibaan ee horey u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, inkasta oo aan taas la xaqiijin karin.

Xildhibaannadan, ayaa si kastaba sheegay inay mooshinka ay la noqonayaan kaliya inta wada-hadalka fursad laga siinayo, haddii wada-hadallada ay ay guuleysan waayaanna ay sii wadi doonaan.

Weriyaha VOA Jacfar Kuukaay ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.

Warbixinta: Jacfar Kukay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:56 0:00

XS
SM
MD
LG