Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda oo Qabsaday Janaale


Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Amisom, ayaa manata dib u qabsaday magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Magaalada ayaa tan iyo bishii September ee sanadkii tagay 2015-ka, waxa ay gacanta ugu jirtay maleeshiyada ururka Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ay ciidamo badan kaga dileen ku qaadeen saldhiga ay ciidamada Amisom magaalada ku lahaayeen.

Ciidamada dowladda ayaa qabsaday Janaale, ayada oo wax dagaal weyn ah uusan ka dhicin marka laga reebo iska cabain yar oo ay la kulmeen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxaan Qabsashada Janaale ka wareystay Gaashaanle dhexe Cabdi Ibraahim Shaamow, (Cabdi Dheere), Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dowladda oo qabsatay Janaale
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:27 0:00

XS
SM
MD
LG