Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: Puntland Waa ay Oggolaatay 4.5


Dowladda Somalia ayaa maanta sheegtay in maamulka Puntland uu oggolaaday nidaamka doorashada Soomaaliya ee 4.5.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somalia ayaa lagu sheegay in madaxwewynuhu uu bogaadinayo dadaalka dheer ee Ra’iisul Wasaare Sharma’arke iyo maamulka Puntland ay u galeen horumarinta danta Soomaaliya.

Madaxweynuhu ayaa soo dhaweeyay oggolaanshaha ay dowladda Puntland ku oggolaatey qaabka doorashooyinka 2016 iyo wixii ka dambeeya.

Dhinaca kale, magaalada Garoowe waxaa galabta gaaray wafdi ka socda QM, IGAD iyo beesha caalamka, waxaana ku jira wafdiga wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia.

Wafdigan ayaa u tagay Garoowe si ay goobjoog uga noqdaan heshiis halkaasi ay ku saxiixdaan dowladda dhexe iyo maaamulka Puntland.

Laakiin waxaa jira warar sheegaya in maamulka Puntland uu dowladda dhexe soo hordhigay qodobo dhowr ah oo uu dalbannayo in loo hirgaliyo, balse wali qodobadasi ayaan labada dhinac isku afgaran.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada haleen qodobo muhiim ah, balse ay habboon tahay in qodobadaasi looga wada hadlo loogana heshiiyo madallada jira sida tan hoggaamiyayaasha qaran ee dhawaan dhici doonta iyo hay’adaha dastuuriga.

Haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan qodobadan, waxaa isla galabta la filayaa in la saxiixo iyadoo ay goob ka noqon doonaan wakiiladda beesha caalamka ee Garoowe ku sugan.

XS
SM
MD
LG