Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: Syria Waxa Ay Xanibtay Gargaarka


Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Syria aysan ka dhabeyn ballanqaadkeedii ahaa inay ogolaan doonto in gargaraka QM la gaarsiiyo magaalooyinka la haysto ee dalkaas.

Human Rights ayaa xustay magaalooyinka Daraya iyo Bariga Ghouta, oo ay sheegtay in dowladda Syria aysan kooxaha gargaarka fasax u siinin inay gargaarka u qeybiyaan dadka u baahan.

Hay’adda ayaa ugu baaqday dowladda Syria inay deg deg ugu ogolaato hay’adaha gargaarka inay qeybiyaan gargaarka, waxayna sidoo kale cambaareysay in baabuurta qaar laga dejiyey dawooyinkii gargaraka, sida ay sheegtay QM.

Agaasimaha Human Rights ee bariga dhexe, Nadim Houry ayaa sheegay in dowladda Syria aysan cudur daar u sameyn karin inay dadka macluuliso, islamarkaana ay dawooyina ka reebto gargaarka la gaarsiinayo magaalooyinka go’doonsan.

XS
SM
MD
LG