Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada Hadalladii Mooshinka oo Furmay


Waxaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee hoyga guddoomiyaha baarlamanka Somalia ee ku dhex taalla xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ka dhacay kulan qeyb ka ah wada xaajood uu dhawaan ku baaqay gudoomiyaha baarlamanka in lagu xalinayo muranka mooshinkii laga keenay Madaxdweynaha Somalia.

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid , guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo 12 xildhibaan oo ka mid ah kuwii mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa kulankan ka qeyb galay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaan kullanka ka qeyb galeynin, waxaana uu soo wakiishay ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Sagaal ka mid ah 12-ka xildhibaan ee wada-hadallada uga qeyb galayey xildhibaannada mooshinka keenay ayaa sheegay inay ka tanaasuleen mooshinka, loona baahneyn in wada-hadal dambe laga galo.

Kullanka, oo weli socda ayaa waxaan ka wareysanay weriyaheena Xasan Koofi Qoyste oo goob joog ka ah kulanka.

Wareysi: Xasan Kaafi
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:17 0:00

XS
SM
MD
LG