Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo 86 Qof Dilay oo ka Dhacay Turkiga


Bodies of victims are covered with flags and banners as a police officer secure the area after an explosion in Ankara, Turkey, Oct. 10, 2015.
Bodies of victims are covered with flags and banners as a police officer secure the area after an explosion in Ankara, Turkey, Oct. 10, 2015.

Laba qarax oo ka dhacay meel u dhow xarun tareenada laga raaco, oo ku taalla magaalada Ankara ee caasimada Turkiga, ayaa dilay 86 qof islamarkaana dhaawacay 200 qof oo kale, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

Saraakiisha, ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in tirada dhimashada ay kor usii kordhi karto.

Qaraxyadan dhacay subaxnimada sabtida maanta ah, oo daqiiqado yar un ay u dhaxeeyeen, ayaa dhacay ayada oo dadku ay isugu soo ururayeen isu soo bax nabadeed oo lagu qabanayey Ankara.

Ujeedada dibad baxa ayaa ahaa in lagu baaqo in lasoo geba gebeeyo dagaalka u dhaxeeya ciidamada amaanka Turkiga iyo kooxda Kurdish-ka ah ee PKK.

Weli ma cadda waxa sababay qaraxyada, inkasta oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in qaraxyada ay ka dambeeyeen dad naftood hurayaal ah.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, hase yeeshee saraakiisha Turkiga waxa ay sheegeen in weeraradu ay ahaayeen kuwa argagixiso.

XS
SM
MD
LG