Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Niger oo ka Badisay Xulka Soomaaliya


Cayaartooyda Soomaaliyeed oo maraya garroon ku yaala Asmara (Sawir hore)
Cayaartooyda Soomaaliyeed oo maraya garroon ku yaala Asmara (Sawir hore)

Xulka kubadda cagta Soomaaliya, ayaa 2-0 looga adkaaday cayaar ka tirsan is-reeb reebka koobka adduunka oo ay Addis Ababa kula yeesheen xulka kubbadda cagta ee Niger.

Qeybta hore ee cayaarta, ayaa waxay ku soo idlaatay bar-baro gool la'aan ah, hasa yeeshee Moussa Maazou oo Niger u cayaara, ayaa Soomaaliya ka dhaliyay daqiiqadihii 58-aad iyo 61-aad laba gool oo deg deg ah.

Cabdicasiis Maxamed Faarax oo ka mid ah xubnaha Soomaaliyeed ee cayaaraha oo Itoobiya jooga, ayaa VOA u sheegay in cayaartooyda xulka kubadda cagta ay iska khasaariyeen dhowr fursado, ayna Niger ka faa'ideysteen fursadahii ay heleen.

Lugta labaad, ayaa lagu dheeli doona waddanka Niger 13-ka bishan October, waxana labada waddan kii soo gudba wareegga xiga uu la ciyaari doonaa xulka Cameroon.

Cayaarahan ayay qeyb ka yihiin is reeb reebka koobka adduunka ee sanadka 2018-ka lagu qaban doono Ruushka.

Dhinaca kale, xulka kubadda cagta Jabuuti ayaa guul darro xanuun badan kala kulantay Swaziland cayaar qeyb ka ahayd is reeb reebka koobka adduunka.

Jabuuti oo gurigooda la joogay, ayaa looga badiyay lix gool iyo waxba, waxana lugta labaad ay cayaarta ka dhici doontaa Swaziland 13-ka bishan October.

XS
SM
MD
LG