Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin: Safarka Xasan Ee Baydhaba


Socdaalka madaxweyne Xasan ee Baydhaba ayaa waxa uu ku qotomay dhismaha baarlamanka maamulka Koonfur Galbeed, oo soo xulista xildhibaannadiisa ay caqabad ka taagan tahay.

Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti la socda ayaa maanta tegey magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay isku day uu ku dardar gelinayo dhameystirka dhismaha maamulka Koonfur Galbeed, oo weli caqabad ay ka taagan tahay soo xulista xubnaha baarlamanka ee maamulkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shekeh Aadan, isaga oo sidoo kale khudbad u jeediyey shacab isugu yimid howlka shirarka ee magaalada Baydhaba.

Markii uu shacabka la kulmay kadib, waxa uumadaxweynaha kulan gaar ah la yeeshey odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlay soo xulista xildhibaannada Koonfur Galbeed, isaga oo ugu baaqay in caddaalad lagu salleeyo, si muuqatana looga qeyb galiyo haweenka.

Wariyaheena Muqtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan nooga soo diray.

Warbixinta Catoosh
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:28 0:00

XS
SM
MD
LG