Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab Oo Xirtay 30 Ajaaniib & Soomaali ah


Dadka xabsiga la dhigay ayaa u ololeynayey in Al-Shabaab ay ku biirto ururka Daacish, waxaana horey sidan oo kale ay kooxda u xirtay shan ajaaniib ah, sidaa muuqatana waxaa jira khilaaf kooxda dhexdeeda ah.

Warar aan ka helayano magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay mar kale qabqabteen dad dheeraad ah oo lagu tuhmayo inay meelo ka mid ah magaalada ku daadiyeen waraaqo lagu taageerayo ururka Daacish ee ka dagaallama waddamada Ciraaq iyo Siiriya.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in dadka la xiriray oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib ay gaadhayaan ilaa 30 qof. Qabqabashada ayaa dhacaysay tan iyo maalintii Talaadada.

Waraaqaha la daadiyey ayaa la sheegay inay ku qornaayeen hadallo ay ka mid yihiin waxana taageersanahay waxa loogu yeedhay “Dawladda Islamaiga ah”. Waxaa la sheegay in dadka waraaqaha daadiyey ay iskugu yeedheen “Wiilashii Khaliifada”.

Dabyaaqadii bishii hore ayey ahayd markii Al-Shabaab ay magaalada Jamaame ku qabqabteen dad shan qof ah oo ajaanib ah oo lagu tuhumayo inay taageeraan ururka ISIS.

Uururka Al-Shabaab ayaa dhowaan soo saaray amar ah inaan la jeedin karin khudbado iyo hadallo shaki gelinaya xiriirka ka dhexeeya Al-Shabab iyo Al-Qaacida, waxaana al-Shabab ay amreen inana la jeedin khudbado iyo hadallo aan fasax loogu haysan xafiiska warbaahinta ee ururka.

Qabqaabshadan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay soo baxayeen maalmihii lasoo dhaafay farriimo xiriir ah oo muuqaal ah oo dadka taageersan Daacish ay ugu baaqayaan Al-Shabaab inay isbahaysi la samaystaan ururka Daacish.

Fariintii ugu dambaysay waxay ka timid ururka Boko Haram oo ugu baaqay Al-Shabaab inay beeco siiyaan hoggaamiyaha Daacish, waxayna ku sheegeen cajalkooda inay faa’iido badan tahay in Islaamka ay hal hoggaan yeeshaan.

XS
SM
MD
LG