Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda Soomaalida iyo Caddaanka St.Cloud


Soomaalida Minnesota
Soomaalida Minnesota

Dadka Soomaalida ah iyo kuwa caddaanka ee magaalada wada deggan ayaa waxaa dhex maray rabshado isir naceyb ku saleysan, ayada oo Soomaaliduna ay ka cabanayaan in la faquuqo.

Magaalada Saint Cloud ee gobolka Minnesota waxa xilliyadii dambe ka taagnaa xiisado dhinaca isirka ku saleysan oo inta badan u dhexeeya Soomaalida magaaladaas ku cusub iyo dadka caddaanka ah ee horay magaalada u deganaa.

Waxa jiray dhowr dhacdo oo dhallinayarada iskuulada dhigtaa ay ku lug lahaayeen, oo labada dhinac ay isku weerareen.

Waxaa iyaguna jiray in dumarka Soomaalida ah ay ka cabanayeen in marka labiskooda la arko la aflagaadeeyo, loona muujiyo naceyb kaga imanaya dadka caddaanka ah.

Si arrintan xal looga gaaro, ayaa waxaa toddobaadkii tagay magaaladaas tagey guddoomiyaha gobolka Minnesota Mark Dayton oo bulshada gobolka la kulmay, arrinta wada-noolaanshahana soo hadal qaaday.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa kulankii guddoomiyaha gobolka iyo halka ay hadda marayso xiisaddii isirka ku saleysneyd ka warreystay Canab Maxamed Daahir oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee magaalada St. Cloud.

Xiisadaha St. Cloud
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00

XS
SM
MD
LG