Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hab Cusub Oo Lagula Dagaalamayo Shabaab


Howlgaladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen maleeshiyada deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay 10 Shabaab ahaa.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa billaabay olole cusub oo lagula dagaallamayo maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanno badan oo ka mid ah gobolka.

Ku simaha ahna guddoomiye ku xigeenka gobalka Hiiraan ee dhinaca Siyaasada iyo Amniga Maxamed Ibraahim C/llaahi oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in ay deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan ka dhiseen Malayshiyo deegaanka ah oo la dagaallamaya Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in tani ay ugu wacan tahay ayada oo ciidamada AMISOM ee jooga gobolka Hiiraan aysan wada gaari karin dhammaan deegaannada gobolka ee Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.

Maxamed Ibraahim waxa uu shaaca ka qaaday in howlgaladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen maleeshiyada deegaanka ay ku dileen 10 ka mid ah malayshiyada Al-Shabaab.

Wariyaha VOA-da Xuseen Xasan Dhaqane ayaa wareystay ku-simaha ahna guddoomiye ku xigeenka gobalka Hiiraan ee Dhinaca Siyaasada iyo Amniga Maxamed Ibraahim C/llaahi.

Wareysi: Maamulka Hiiraan
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:35 0:00

XS
SM
MD
LG