Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin: Mareykanku Way La Socdeen Diyaarada


Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in Mareykanku uu ogaa jihada iyo waddada ay ku socotay dayaaraddoodii Talaadadii dhaweyd lagu soo ridey hawada Turkiga, iyadoo uu madaxweynuhu ku andacoodey in ay ahedy in Mareykanku uu u sheego arrintaasi Turkiga oo ay xulufo yihiin.

“Dhinaca Isbaheysiga ee uu Mareykanka hoggaamiyo, Turkigana qeybta ka ah, way la socdeen halka ay dayaaraddeena ku socotay” ayuu Putin ka sheegay Moscow.

Madaxweynaha Ruushka, ayaa sheegay inay is weydiinayaan waxay Mareykanku ugu sheegeen halka ay dayuuraddooda ku socotay iyo waqtiga, haddii uusan Mareykanka uy gudbineyn fariintaasi xubnaha kale ee isbaheysigiisa.

Mareykanka, ayaa heshiis kala dhaxeeya Ruushka, kaas oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa isku dhacyo dhinaca hawada ah oo dhex mara dayuuradaha labada dal, kuwaas oo duqeymo ka geysanaya dalka Siiriya.

Turkiga, ayaa sheegay inay digniino is xig xiga u direen dayaaradda Ruushka ee ay sheegeen inay hawadeeda ku so xadgudubtay Talaadadii, k ahor inteysan soo ridin.

XS
SM
MD
LG