Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga UCID Oo Laba U Kala Jabay


Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Waraabe

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa is khilaafasan.

Madaxda xisbiga siyaasadda UCID ee Somaliland ayaa waxaa soo dhex-galay khilaaf cusub oo muujinaya in in xisbigu uu laba u kala jabay.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan sheegay in xisbigu uu doorasho gali doono. Sidoo kale murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa beeniyay in uu iska casilayo murashaxnimada xisbiga.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in murashaxii madaxweyne-xigeenka ee Xisbigooda ee is-casilay aanu ka aqbalin is-casilaaddaasi, ilaa imikana aanu iscasilaad rasmi ah u soo gudbin.

Jamaal Cali Xuseen oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sidoo kale ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe.

Jamaal ayaa ku eedeeyey Feysal Cali Waraabe inuu yahay caqabadda haysata xisbiga UCID.

Weriyaha VOA Barkhad Kaariye ayaa waraystay Jamaal Cali Xuseen.

Wareysi: Jamaal Cali Xuseen
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:43 0:00

XS
SM
MD
LG