Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pope-ka Oo Muslimiinta & Kirishtanka U Baaqay


Kenya Africa Pope
Kenya Africa Pope

Pope Francis waxa uu sheegay in wada-hadalka diimaha uu yahay mid muhiim ah, ee aanu ahayn ikhtiyaar.

Baadariga ugu sarreeya madhabta Roman Catholic ayaa hoggaamiyayaal Muslimiin iyo Kirishtan ah magaalada Nairobi ugu sheegay inay wada-hadlaan si ay mayal-adeegnimada iyo ficillada rabshadaha isaga ilaaliyaan.

Isaga oo ka hadlay kullan diineed ka dhacay safaaradda Vatican ee Nairobi ayaa Pope Francis waxa uu sheegay in wada-hadalka diimaha uu yahay muhiim, ee aanu ahayn ikhtiyaar.

Waxa uu xusay rabshado xagjirnimo oo dhowr ahaa oo ka dhacay Kenya sida weeraradii jaamacadda Gaarisa iyo Suqua Westgate oo boqolaal qof lagu dilay, ayna sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Pope-ka oo booqasho ku maraya dalal African ah ayaa la filayaa inuu booqdo xerooyin qaxooti iyo masjidyo ku yaalla dalka Jahuuiryada Bartamaha Africa.

Xalinta khilaafyada Muslimiinta iyo Kirishtaanka waa mid ka mid ah ujeedooyinka safarka Pope Francis.

XS
SM
MD
LG