Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dib u Dhac ku Iman Kara Doorashooyinka Somalia


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Waxaa soo baxaya walaac laga qabo in doorashada aqallada baarlamaanka iyo tan hoggaanka dalka ee Soomaaliya ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay oo ah bilaha August iyo September ee sannadkan.

Waxaa jirta in weli aan la dhamaystirin bartilmaameedyo farsamo oo muhiim u ah qabashada doorashada sida wax ka beddelaadda dastuurka; guddiyada doorashada, soo xulista ergooyinka iyo muranka ka taagan maqaamka Muqdisho.

Madaxda madasha qaran oo ka kooban kuwa dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa toddobaadka dambe ku shiraya magaalada Baydhaba, si ay arrimaha uga hadlaan.

Haddaba intee ayey la’eg tahay suurtgalnimada in doorashada Soomaaliya ay waqtigeeda ku qabsoomi weydo? Maxaase ka iman kara?

Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu weydiiyey Matt Bryden oo madax ka ah Xarunta Cilmi-baarista Sahan Research oo shalay nagu soo booqdya istuudiyada VOA ee Washington.

Walaac laga qabo doorashada Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:17 0:00

XS
SM
MD
LG