Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Weeraray Saldhigga Laanta Buur


Wararka ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah la gaarsiiyey ciidamada dowladda, gaadiid badanna laga qabsaday.

Wararka ka imanaya Gobiolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar culus xalay ku qaadeen saldhigga milatari ee ciidamada dawladda ay ku lahaayeen Laanta Buur.

Weerar kale ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Shanta Golaha Sare oo u dhow Laanta Buur.

Al-Shaabab maleeshiyadooda ayaa wararku sheegayaan inay laba dhinac kasoo weerareen, khasaare culusna uu halkaas ka dhacay.

Ciidanka saldhigga joogay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Guutada Shanaad.

Wararka ay sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in baabuur tikniko ah ay u gacan galeen Al-Shabaab.

Al-Shabab ayaa la sheegay inay baabuurtaas la aadeen dhinaca magaalada Awdheegle.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegay inay hub iyo saanad kale ku qabsadeen weerarka.

Al-Shabaab waxay kaloo sheegatay inay dishay tobanaan askari, laakiin si madax bannaan looma xaqiijin seegashadaas.

Taliye ka tirsan dawladda ayaa beeniyey inay ciidan tiradaas la eg ka dhinteen.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in ilaa haatan la helay maydka lix askari, khasaarahana uu sii kordhi karo.

Wararku waxay intaas ku dareen in ilaa lix baabuurta dagaalka ah ay qabsadeen maleeshiyada Al-Shabaab kuwo kalana ay burburiyeen.

XS
SM
MD
LG