Ciidamada Kenya ayaa sheegaya inay 34 maleeshiyada al-Shabaab ah ku dileen weerarro ka dhacay xalay iyo shalay galab meel u dhow degmada Afmadow iyo meel kale oo u dhow deegaanka Kulbiyow ee Raaskaanbooni.
Wareysi arrintaas ku saabsan ayaa VOA ay la yeelatay weriyaha Idaacadda ee Kismaayo, Khadar Maxamuud Xarred.