Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Iraq oo Dilay 20 Qof


Iraq
Iraq

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Muqdadiyah, oo 90 KM woqooyi ka xigta magaalada Baghdad ee caasimadda Iraq.

Saraakiisha dalka Iraq ayaa sheegay in qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay tacsi ka dhaceysay woqooyiga magaalada Baghdad ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 20 qof.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Muqdadiyah, oo 90 KM woqooyi ka xigta magaalada Baghdad.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Qaraxa ayaa yimid maalin kadib markii kooxda Daacish ay degmada shiicada ku badan tahay ee Sadr ee magaalada Baghdad ay ka fulisay qarax ay ku geeriyoodeen 33 qof.

XS
SM
MD
LG