Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Muslimiin Lagu Dilay Gobolka Indiana


Booliiska Indiana
Booliiska Indiana

Booliiska gobolka Indiana ee dalka Mareykanka ayaa weydiisanaya bulshada inay caawimaad ka geystaan sidii loo ogaan lahaa cidda ka dambeysay dilka laba nin iyo wiil yar oo kasoo jeeda gobolka Sahel ee Africa.

Saraakiisha ayaa guri ku yaalla magaalada Fort Wayne ee gobolkaas ka helay meydadka Mohamedtaha Omar oo 23 jir ahaa, Adam Kame Mekki loo 20 jir ahaa iyo Muhannad Adam Tairab oo 17 jir ahaa, toddobaadkii tagay.

Ugu yaraan laba ka mid ah dadka la dilay ayaa la xaqiijiyey inay ahaayeen muslimiin, inkasta oo illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dilka ka dambeysay.

Si kastaba, booliiska waxa ay sheegeen inay rumeysan yihiin in dilka dadkan uusan sabab u ahayn diintooda ama halka ay ka yimaadeen.

Inkasta oo uu jiro warkan kasoo baxay saraakiisha gobolka, dadka ayaa baraha bulshada ku muujinaya sida ay uga xun yihiin in arrintan aysan soo hadal qaadin mas’uuliyiinta Mareykanka.

Dadka qaar ayaa is-weydiinaya sida arrintan looga hadli lahaa, haddii dadka la dilay ay ahaan lahaayeen caddaan, kuwa dilayna ay ahaan lahayaeen muslimiin.

XS
SM
MD
LG