Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: Rabshado ayaa Weli ka Socda Ethiopia


DIbadbaxyada Oromada (Sawir hore)
DIbadbaxyada Oromada (Sawir hore)

Illaa 200 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii ay rabshadaha billowdeen bishii November ee sanadkii hore, sida ay sheegtay hay'adda.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dibadbaxyada gobolka Oromada Ethiopia ay weli socdaan, inkasta oo dowladda ay hakisay qorshe lagu balaarinayey caasimadda Addis-Ababa.

Taas ayaa dhalisay, ayay tiri hay’addu, in in dowladdu ay sii waddo qab-qasbasho rabshado ay la socdaan oo ka dhan ah dadka Oromada.

Warbixinta hay’adda ayaa faah-faahisay qoraallo kasoo baxay mucaaradka oo sheegaya in 200 oo qof la dilay tan iyo markii ay rabshadaha billowdeen bishii November ee sanadkii hore, islamarkaana kumanaan qof oo kale la xiray.

Human Rights waxa ay ku warrameysaa in ciidamada ammaanka ay geysanayaan dambiyo ay ku jiraan inay rasaas oodda kaga qaadaan dad dibadbaxaya, islamrkaana ay jir dilaan kuwa la xiro.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu darnaa, ayay sheegtay warbixintu, inay ahayd isku dhac dhex maray ardayda jaamacadda Jimma ee gobolka galbeedka Oromia 10-kii illaa 11-kii January, markaasi oo booliiska ay bambooyin ku tureen dadkii dibadbaxayey.

Dowladdu Ethiopia waxa ay qirtay inay dibadbaxyo dhaceen bishii February, hase yeeshee aysan wax xiriir ah la lahayn dibadbaxyadii ka dhashay qorshe la doonayey in caasimadda Addis-Ababa loogu ballaariyo dhulka Oromada.

XS
SM
MD
LG