Isku xirrada

Ciidamada Amisom oo Waddada Loo Galay


AMISOM oo Goobo Cusub Qabsatay

AMISOM oo Goobo Cusub Qabsatay

Kolonyo baabuur ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa lagu weeraray meel u dhow deegaan Yaaq-Bari-Weyne ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa VOA-da u sheegay in ciidmada Amisom iyo kooxda Al-Shabaab ay halkaasi rasaas isku weydaarsadeen muddo laba saacadood ka badan.

Weerarka ayaa ku billowday laba qarax xooggan oo baabuurta Amisom lala eegtay, kadibna waxaa xigay dagaal culus.

Ciidmada la weeraray ayaa ah kuwa Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM kuwaasi oo agab milatari u waday dhinaca maamulka koonfur-galbeed.

Falastiin Axmed Imaan ayaa dagaalkan ka waraystay Maxamed Isxaaq Xasan “Carra-Case” Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta Mamaulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG