Xog cusub oo laga bixiyey ninkii weerarka ka fuliyey Copenhagen

DENMARK-SHOOTING/

Booliska magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa sheegay in ninkii saddexda qof ku dilay suuq ku yaalla magaaladaas uu kaligiis ku kacay fal dambiyeedkaas oo aanay jirin cid kale oo ku lug laheyd.

Booliiska waxa kale oo ay sheegeen inuu dadkaas u doortey isaga oo aan aqoon ku beegsan, weerarkuna aanu ahayn argagixiso.

Ninkan oo 22 jir ah una dhashay Denmark ayaa lagu soo oogey dacwad hordhac ah oo isugu jirta dil iy isku day dil, waxaana lagu haynaya isbtitaalka dadka qaba xanuunada maskaxda 24 saacadood oo ay booliisku baadhayaan kiiskiisa.

Warbixin ku saabsan arrintan waxa magaalada London kasoo direy wariyaha VOA-da ee Yurub Cabdixafid Cawil Ismaaciil.

Your browser doesn’t support HTML5

Xog cusub oo laga bixiyey ninkii weerarka ka fuliyey Copenhagen