Xanuun xoolaha ku dhaca oo ka dillaacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya
Jigjiga —
Shacabka ku dhaqan tuulooyinka hoos yimaada degmooyinka Tuli iyo Owbarre ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa cabasho ka muujiyay xanuun cusub oo xoolaha soo ridanaya iyadoo dhanka kale shacabku ay walaac ka qabaan raqda xoolo badan.
Xoolahan ayaa yaalla goobo oo kamid ah deegaanada ay ku noolyihiin, waxayna sheegeen in arrintan ay ka dhalan karaan xanuunno saameyn kale ku yeelan kara xoolaha kale ee caafimaadka qaba iyo bini'aadamkaba .