Weeraryahanka Fulham Aleksandar Mitrovic ayaa lagu xukumay ganaax sideed kulan ah iyo 75,000 oo Gini oo u dhiganta ($94,000) kadib markii uu tuuray garsooraha ciyaartii koobka FA-ga oo ay kooxdiisu guuldarro kala kulantay Manchester United bishii hore, sida uu ku dhawaaqay xiriirka kubadda cagta ee FA-ga.
Serbian Mitrovic ayaa ciyaarta laga saaray kadib markii uu ka horyimid garsoore Chris Kavanagh oo uu garabka ku riixay.
Guddiga madaxa-bannaan ee FA-ga ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay 'dhaqan xumo' aheyd falka uu sameeyay Mitrovic.
"Weeraryahankan wuxuu si gooni ah u qirtay in dhaqankiisa iyo ereyadiisii kadib markii casaanka la siiyay ay ahayeen kuwa aan habbooneyn, oo aflagaado iyo hanjabaad ahaa" ayuu yiri guddigan.
Tababaraha Fulham Marco Silva ayaa sidoo kale muteysan doona ganaax dhan 2-kulan iyo ganaax kale oo lacageed oo dhan 20,000 oo Gini.
Kooxda reer London ee Fulham ayaa lagu ganaaxay 40,000 oo Pound kadib markii ay xakameyn weysay ciyaartooydeeda hareereyay garsoorihii ciyaartaas.