Wareysi: Shariif Xaaji oo loo doortay baarlamanka Alberta

Sharif Haji

Shariif Xaaji oo ka tirsan xisbiga NDP, ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo kamid noqda Baarlamanka Gobolka Alberta ee dalka Canada.

Shariif ayaa ka guuleystay saddex murashax oo kale, isagoo helay 52.5% dhammaan codadka xaafadda Edmonton-Decore ee magaalada Edmonton.

Doorashada gobolka Alberta oo dhacday Isniintii, waxaa ku guuleystay xisbiga UCP oo helay kuraas aqlabiyad ah, oo ay ku hogaamiyaan gobolkaasi afarta sano ee soo socota.

Haddaba, Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji oo Shariif Xaaji kula xiriiray qadka taleefanka ee magaalada Edmonton, ayaa ugu horreyn waydiiyay waxa ay uga dhigan tahay guusha uu gaaray.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi- Shariif Xaaji oo loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Alberta.m4a