Ganacsatada dalka Kenya ayaa aad uga walaacsan qiime dhac xooggan oo ku yimid lacagta Shillinka-ka ee dalka Kenya, ayadoo sidoo kalene uu aad sare ugu kacay qiimaha sarifka lacagta Dollar-ka.
Arrintaas ayey ganacsatada ku sheegeen inay saamayn xooggan ay ku yeelatay ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Ganacsatada Soomaalida Kenya ayaa ka mid ah dadka ay saamaysay arrintaasi.