Maraykanka ayaa toddobaadkan looga dabbaaldegay, xuska maalinta uu xorriyadda ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, taas oo ku beegnayd, 4-tii July ee sannadkii 1776-kii.
Inkasta oo dabbaal-degyo ballaarani ay ka dhaceen guud ahaan dalka Maraykanka, haddana waxaa jiray toogashooyin ka dhacay gobollada Maryland, Pensylvania iyo Texas, taas oo ay ku dhinteen illaa toban, halka ay ku dhaawacmeen, ku dhowaad 40 qof.
Haddaba Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa arrintan ka waraystay Maxamed Sheekh Xuseen oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha Maraykanka oo ku nool gobolka Virginia ee duleedka Washington.
Your browser doesn’t support HTML5
Toogasho ka dhacday Mareykanka xilliga xuska afarta luuliyom4a