Boqolaal dhallinyaro ah ayaa sanad kasta ka qalin jabiya dugsiyada kala duwan, kadibna u gudba heer jaamacadeed, hase yeeshee waxa jira kuwo aanay u suurtogalin inay sii wataan taxanahaas waxbarasho sababo kala duwan aawadood.
Waxaa dhacda in qaarkood ay ka niyad jabaan oo ay hayaankoodii nolosha halkaasi ku hakiyaan.
Sayid Siciid Bin Cali waxa uu ka mid yahay dhallinayrada ay dhawr jeer ka liicday taxanahaasi waxbarasho, balse aan niyad jabin, islamarkaana xirfado kala duwan soo tijaabiyay.
Waxa uu magaalada Nairobi kula kulmay islamarkaana jidka uu nolosha u soo maray uga warramay wariyaha VOA Yaasiin Ciise Wardheere.
Your browser doesn’t support HTML5
Wareysi: Caqabadaha dhallinyarada ka haysta waxbarashada