Taliyaha milateriga Suudaan ahna madaxa golaha ku meel gaadhka ah ee sida rasmiga ah u maamulaya dalka, Gen. Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Isniintii gaaray magaalo xeebeedka Al Calameyn ee dalka Masar si uu ula kulmo madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi.
Waa socdaalkii ugu horeeyay oo rasmi ah oo uu ku tago meel ka baxsan Suudaan tan iyo markii ay bilowdeen colaadaha uu dhiigga badani ku daatay ee dalkaas, ee billowday bishii Abriil.
Edward Yeranian ayaa warbixintan VOA uga soo diray Qaahira. Falastin Ahmed Iman ayaa soo koobeysa.