Warbixin ku saabsan nin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Uganda

Kooxo hubaysan ayaa magaalada Kampla ee dalka Uganda ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Liibaan Maxamed oo kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Kampala.

Kooxahaasi ayaa sidoo kale dhaawac u gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo kale kaasoo dhaawiciisa lagula tacaalayo Isbitalka magaalada Kampla.

Hadaba Bakar Ali Nur oo kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Kampla ee dalka Uganda ayaa Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed uga warramay xogta ay ka hayaan sida uu falka u dhacay.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Somali lagu dilay Uganda.m4a