Waxaa ka jira dalka Israa’iil walaac ku saabsan in furin labaad oo dagaal ay ku furanto, iyadoo dhowr gantaal iyo sawaariiqda lidka taangiyada Talaadadii laga soo riday Koonfurta Lubnaan kuwaasi oo ku dhacay waqooyiga Israel.
Dhimashada labada dhinac ayaa sii kordheysa iyadoo maalintii shanaad uu socdo dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas ee Gaza. Linda Gradstein ayaa warbixintan VOA uga soo dirtay magaalada Qudus, waxaa inoo haysa Caasha Ibrahim Aden.