Sharci-dejiyeyaasha labada xisbi ee Maraykanka ayaa ku baaqay in la qabojiyo muranka kulul ee siyaasadeed, ka hor muddo 6 toddobaad ah ee doorashadaii madaxtinimo.
Arrintan ayaa timid ka dib isku day dil oo, sida cad, lala damacsanaa madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo isaga oo ku andacooday in soo galootiga u dhashay waddanka Haiti ee ku sugan gobolka Ohio ay xayawaanka la rabaayadeysto cunaan, arrintaas oo bulshadaas dhibtay.