Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda waddanka Sudan

FILE: A man walks while smoke rises above buildings after aerial bombardment, during clashes between the paramilitary Rapid Support Forces and the army in Khartoum North, Sudan, May 1, 2023.

Ciidamada Sudan ayaa xaqiijiyay Axadda maanta ah heshiis xabbad-joojin ah oo todoba maalmood ah oo ay la galeen kooxda Rapid Support Forces (RSF), iyaga oo sheegay inay ku koobnaan doonto ilaalinta dadka rayidka ah iyo isbitaallada oo aan laga hadlin arrimaha siyaasadda.

“Ciidankiinna qalabka sida waxa ay ku dhawaaqayaan sida ay uga go’an tahay qoraalka heshiiska, waxaana rajeyneynaa in maleeshiyaatka fallaagada ay sidaas oo kale sameeyaan,” ayuu afhayeenka ciidanka ku yiri hadal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, isagoo ula jeeday RSF-ta.

Xabad joojinta ayaa lagu wadaa in ay dhaqan gasho fiidnimada Isniinta.

Heshiisyo hore oo xabbad-joojin ahaa ayaa la jebiyey. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan ayaa waxaa dhaqan gelin doona Maraykanka iyo Sacuudiga.