Wararkii ugu dambeeyay ee duqeymaha Israa'iil ee Gaza, tirada dhimasha labada dhinac oo korortay

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay duqeeyeen boqollaal bartilmaameed oo ku yaalla marinka Gaza, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha dakaasi uu sheegay in dalkiisu uu hadda uun billaabayo dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

Dhinaca kalena, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo tebinaysa in tirada dadka ku dhintay weerarka Xamaas ku qaadday Israel ay tahay 900 qof oo u badan rayid.

Dhinaca kelena, saraakiisha Gaza ayaa sheegay in ku dhowaad 700 qof ay ku dhinteen duqaymaha Israel.

Warbixin ay qortay VOA waxaa inoo soo koobaysa Sahra Ciidle Nuur.

Your browser doesn’t support HTML5

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Xamaas iyo Israa'i