Dowladda Mareykanka oo 47 qof oo reer Minnesota ah kusoo oogtay dacwad la xiriirta lunsashada $250 milyan

Andrew Luger

Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa warbixin ay shalay soo saartay eedo ugu jeedisay 47 qof oo lagu eedeeyey inay lunsadeen 250 milyan oo dollar oo aheyd lacag loogu talagalay quudinta carruurta ay dhaleen dadka danyara ah intii lagu jiray xanniibadihii COVID-19.

Wasaaradda ayaa sheegtay in lacagtan la lunsaday ay tahay mid ay dawladda Federalka ee Maraykanku ku bixisay barnaamijyada quudinta ee xiligii uu xanuunka COVID-19 uu halka ugu daran marayey.

Haddaba, faahfaahinta eedahan iyo su’aalo kale ayaa wariyaha VOA-da ee gobolka Minnesota uu weydiiyey Garyaqaan Amiin Harun oo ka hawlgala gobolka Minnesota.

Your browser doesn’t support HTML5

Mareykanka oo dacwad kusoo oogay 47 qof.mp3