Nairobi —
Xaaladda dalka Kenya ayaa caadi kusoo laabatay kadib xaalad adag oo doorasho oo uu dalku galay toddobaadyadii ugu dambeeyay, inkastoo wali aysan xaaladdaasi soo gabagaboowin, lagana war sugayo go’aanka Maxkamadda Sare.
Xaaladda waddanka ayaa hadda deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay isu socodka ganacsiga, gaadiidka dadweynaha, shaqooyinka joogtada ah iyo jawiga guud ee wadanka.
Sidoo kale waxaa saaka dib loo furay Goobaha waxbarashada wadanka, sida uu kusoo warramayo wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.
Your browser doesn’t support HTML5
Waa sidee xaaladda Kenya kadib doorashadii madaxweynaha?.mp3